Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Kenya: Marwo saygeeda ka iibisay haweenay uu xiriir kala dhaxeeyay!

Kenya: Marwo saygeeda ka iibisay haweenay uu xiriir kala dhaxeeyay!

0

Himilo – Sheekada haweenay Kenyaan ah ayaa dhawaan qabsatay baraha bulshada kaddib markii saygeeda oo khiyaanayay ay ka iibisay haweenay uu la socday.

Markii ay oggaatay in ninkeeda uu xiriir la leeyahay haweenay kale,  Edna Mukwana ayaa la soo wariyay inay saygeeda ka saartay guriga iyada oo kahor istaagtay in uu soo laabto muddo toddobaad ah.

Tani waxay timid kaddib markii haweenayda loo soo bandhigay 2,000 oo shilinka Kenya ah si looga iibsado ninkeeda.

Ma cadda inay warcelin ka sugeysay jaceylka ninkeeda balse markii la siiyay lacagta oo u dhiganta 17 doolar, waxay go’aansatay inay iibiso.

Waxay lacagta u adeegsatay inay dhar ugu iibiso carruurteeda dhalashada sannadka cusub ee 2020-ka.

“Waxaan u sheegay haweenayda oo marin habaabineysay isaga inay ii soo dirto $20 laakiin waxay ii soo dirtay $17,” Mukwana ayaa sidaa tiri.

Waxay intaa raacisay “ Waxaan dhammaan lacagta u isticmaalay in aan dhar cusub ugu soo iibiyo carruurteyda dhalashada sannadka cusub.”

Ms Mukwana ayaa xustay in aysan dooneyn in sannadka cusub uu noqdo mid ay ku furato buuq iyo muran.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version