Himilo – Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa Sabtidii mar kale ku celiyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo Ruushka dagaalka uu kula jiro Ukraine, sida ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ee KCNA.
Hadalka Kim ayaa yimid intii lagu guda jiray kulan uu magaalada dalxiiska ah ee Wonsan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan danta wadajirka ah iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah.
KCNA ayaa sheegtay in Kim uu si cad u sheegay in Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Dadka Kuuriya (DPRK) ay diyaar u tahay inay taageerto dhammaan tallaabooyinka ay qaado hoggaanka Ruushka si xalka loogu helo xaaladda Ukraine, iyadoo la raacayo heshiiska is-difaaca ee labada dal.
Kim wuxuu intaas ku daray in Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka ay isku aragti ka yihiin arrimaha istaraatiijiga ah, taasoo muujinaysa xiriirka sare ee istiraatiijiga ah ee labada dal ka dhaxeeya.
Warka KCNA ayaa sidoo kale sheegay in kulankii istiraatiijiga ahaa ee u dhexeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga Kuuriya Choe Son-hui iyo Lavrov ay labada dhinac ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda istiraatiijiga ah ee muddada dheer.
Ruushka ayaa muujiyay inuu si adag uga soo horjeedo dadaallada lagu diidayo “xaaladda dhabta ah” ee Waqooyiga Kuuriya, isla markaana uu taageerayo amniga qaranka ee Pyongyang. Dhankiisa, Waqooyiga Kuuriya ayaa ballan qaaday taageero buuxda oo uu siiyo howlaha Ruushka ee Ukraine.
Lavrov ayaa Wonsan yimid Jimcihii, halkaas oo si rasmi ah loo furay aag cusub oo dalxiis badeed ah 1-dii Luulyo. Wuxuu Axadda uga sii ambabixi doonaa Shiinaha si uu uga qaybgalo shirarka wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) oo dhacaya 15-ka Luulyo.
