Home Habka-Nolosha Klopp – “Liverpool uguma guuleysanayso horyaalka sida Mourinho inay u ciyaarto.”

Klopp – “Liverpool uguma guuleysanayso horyaalka sida Mourinho inay u ciyaarto.”

0

Muqdisho – Jurgen Klopp ayaa difaacay kooxdiisa Liverpool kagadaal barbarihii ay la gashay dhigeeda Manchester United.

Kooxda Cas ayaa dadaalkeeda ku mira-dhalin waysay inay soo taabato shabaqa kooxda United-ka oo ay la gashay 0-0 – taas oo 10 dhibcood kasii hoos marisay kooxda Man City.

Natiijada ayaa ka dhigan in Liverpool ay 9 dhibcood ka hoos marto hoggaanka horyaalka PL ee City. Klopp ayaa si kastaba, aaminsan in tani aysan ahayn mid go’aamin karta hankooda hanasho ee horyaalka.

“Waxaynu samaynay wax walba haddana waxaa nagala hor yimid wixii noogula diyaargaroobay,” ayuu yiri.

“Waxaan aaminsanahay inay tani naga caawin karto hiigsiga fog ee hanashada horyaalka.”

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version