Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home COVID 19 Koofur Kuuriya: Dadka qaadaya Coronavirus oo kordhay

Koofur Kuuriya: Dadka qaadaya Coronavirus oo kordhay

0

Himilo – Kiisaskii ugu badnaa ee maalin gudaheed laga diiwaan galiyo dalka Kuuroyada Koofureed ayaa lahelay arbacadan, iyada oo howl-wadeenada caafimaadka ay ku andacoonayaan in dadku aysan illaalineynin habka kala fogaanshiyaha cudurka.

Wakaaladda ka hortagga iyo xakameynta cudurrada ee dalkaasi ayaa sheegtay in 1,078 oo ruux ay qaadeen feyruska corona, taas oo ka badan middii la wariyay Axaddii todobaadkan oo ahayd 1,030. Waxaan intooda ugu badan laga diiwaan galiyay caasimadda Seoul.

Waxaa sii kabaabso ah sariiraha daryeelka gaarka ah ee Isbitaalada caasimadda, sida uu sheegay sii haya duqa magaalada, kaas oo sheegay in isbitaalka guud ee Seoul, 77 ka mid ah sariirihiisa daryeelka gaarga ah oo gaaraya 78 sariir ay buuxaan, taas oo sii adkeyn karto xaaladda.

Koofur-Kuuriya, inkastoo ay jiraan xayiraado lagu xakameynayo Covid-19 haddana dadku wali uma hogaansana, sababtaas ayaana loo aaneynayaan kiisaska kordhay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version