Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Kooxaha Jeenyo iyo Banaadir SC oo isku heysta saxiixa wiil hore u...

Kooxaha Jeenyo iyo Banaadir SC oo isku heysta saxiixa wiil hore u soo maray Elman

0

Kooxaha kubadda cagta Jeenyo iyo Banaadir SC ayaa isku haya saxiixa wiilka weerarka ka cayaara Maxamed  Nuur Shaarkey.

Xiddigii hore ee kooxaha Elman, Saxafi Hotel iyo xulka qaranka Soomaaliya ayaa diiradda u saaran kooxaha ku xifiltama degmada Warta Nabadda ee Jeenyo iyo Banaadir SC.

Banaadir SC ayaa xagaagii tegay ku dhameysatay booska koowaad ee kala sareynta horyaalka Soomaaliya, iminkana waxay waddaa tababar ay isugu diyaarineyso tartanka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee (Cecaf Kagama Inter Club Cup).

Kooxdan tababarkeeda ayaana lagu arkay Maxamed Nuur Shaarkey, waana ay u badan tahay laacibku inuu kooxdaa u dhaqaaqi karo.

Dhanka kale kooxda kubadda cagta Jeenyo ayaa xiddigaan loo saadinayaa iyadoo la arkay qaar kamid ah cayaartoyda kooxdii booska saddexaad ku dhameysatay ee Jeenyo oo la sawiran Shaarkey.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version