Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Barcelona oo u dhaqaaqday daafac katirsan Liverpool

Barcelona oo u dhaqaaqday daafac katirsan Liverpool

0

Himilo FM –Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ugu cadcadahay saxiixa daafaca Liverpool Alberto Moreno.

Daafaca dambeedka biddix ayaa haatan ku dhow in uu dhammaado xilli ciyaareedkiisii shanaad ee Anfield laakiin ciyaaryahanka reer Spain ayaa loo ogolaan doonaa in uu kooxda ka tago dhammaadka qandaraaskiisa xagaaga.

Lazio ayaa si weyn loola xiriirinayay 26 jirkan laakiin sida laga soo xigtay Sport, Barcelona ayaa safka hore ugu jirta Moreno.

Warbixinta ayaa sheegaysa in kooxda reer Catalan ay dooneyso inay keento naadiga, kaasi oo keliya afar kulan u saftay xilli ciyaareedkan, iyadoo ku beddeleysa Jordi Alba labada olole ee soo aadan.

Moreno ayaa la filayaa in uu u dhaqaaqo kooxda Lazio maadaama halkaasi uu ka helayo booska koowad laakiin ciyaaryahankii hore ee Sevilla ayaa laga yaabaa in uu ku dhibtoodo in uu iska diido fursad ay kula saxiixan karto hoggaamiyayaasha La Liga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version