Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Kooxda Dijon oo hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa laacibka Bristol City ee...

Kooxda Dijon oo hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa laacibka Bristol City ee Famara Diedhiou

0

Himilo – kooxdan ka ciyaarta horyaalka League 1 Faransiiska, ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro soo qaadashada xidigga weerarka kaga ciyaara Bristol City ee Famara Diedhiou.

Sida ay qortay wakaaladda PA news, Dijon ayaa dadaal xoogan ku bixineysa saxiixa ciyaariyahankan 27-jirka ah.

Diedhiou, ayaa heshiiska uu ku joogo garoonka Ashton Gate waxaa kaga harsan sanad. Bristol City ayaana dooneysa iney siisato lacago kaash ah.

Waxa uu ciyaaray kulankii sabtigii ay kooxdiisa la ciyaartay Coventry, kaasoo ay ku adkaadeen 2-1.

Tan iyo markii uu ku biiray naadiga Bristol City, sanadkii 2017-kii waxa uu u dhaliyay 41-gool 126-kulan oo uu saftay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version