Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Kooxda Watford oo shaqada ka cayrisay tababaraheeda

Kooxda Watford oo shaqada ka cayrisay tababaraheeda

0

Himilo – Watford ayaa shaqada ka ceyrisay tababare Claudio Ranieri ka dib seddex bilood iyo bar oo kaliya oo uu maamulayay kooxda.

Kooxda The Hornets ayaa guuldarro 3-0 ah garoonkeeda kala kulantay Norwich City habeenkii jimcaha, taas oo ka dhigan in ay ku jirto kaalinta 19-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

Guuldaradan ayaa ahayd tii 8-aad ee Watford 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay tartamada oo dhan iyada oo kulanka kale bar-baro gashay halka ay badisay kaliya 3 kulan 20-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa haatan eriday maamulaha Talyaaniga, wax ka yar afar bilood oo uu joogay. Ranieri ayaa noqonaya tababarihii 15-aad ee laga cayriyo qoyska Pozzo tan iyo markii ay la wareegeen maamulka kooxda Watford wax ka yar 10 sano ka hor.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version