Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Kroos oo Macalin Zidane ku amaanay shaxda guushoodii Atletico Madrid

Kroos oo Macalin Zidane ku amaanay shaxda guushoodii Atletico Madrid

0

Muqdisho – Laacibka qadka dhexe ee Real Madrid, Toni Kroos ayaa dareensan in shaxdii uu Zinadine Zidane u dajiyay kulankii ay 3-0 kaga adkaadeen Atletico Madrid uu muhiimad u lahaa natiijadii ay ku yimaadeen fiinaalaha koobka Champion League.

Christiano Ronaldo ayaa saddexley ku hubsaday shabaqa kooxda Atletico taas oo u suura-galisay inay soo tiigsadaan dhamaadka tartanka UCL.

Kroos ayaa si furan usoo bandhigay qaab ciyaareed is dheelli-tiraya. Atletico ayaa ciyaarta kusoo bilowday Antoine Griezmann iyo Kevin Gameiro, hayeeshe waxaa qadka dhexe ku cadaadiyay Casemiro iyo Luka Modric oo diiday inay haleeshiiyaan xittaa fursado kedis ah.

“Waa natiijo wanaagsan, waana wax ka badan wixii aan filaynay – ciyaar weyn iyo guul weyn, hayeeshe waa un kaliya lugta hore,” Kroos ayaa u sheegay  BT Sport.

“Waxaan helnay maalin wanaagsan iyo shax fiican – daafac adag kaas oo xittaa awooday inuu soo gudbiyo kubadaha marka uu ku jiro halista muuqata.”

“Si fiican ayaynu u ciyaarnay, waana aynu u qalannay guusha, toddobaadka danbe waa inaan aadno Calderon, wayna adag tahay mar kasta.”

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version