Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Kulankii saaxiibtinimo oo dhexmari lahaa Belgium iyo Portugal oo la bedelay halka...

Kulankii saaxiibtinimo oo dhexmari lahaa Belgium iyo Portugal oo la bedelay halka lagu dheelayo

0

Xulalka Belgium iyo Portugal ayaa ku balansanaa in Belgium ay ku dheelaan kulan saaxiibtinimo maallinta Salaasada ee soo aadan.

Qaraxyo ismiidaamin oo ka dhacay Belgiumka shalayto ayaa horseeday dhimasha ku dhawaad 30 ruux iyo dhaawaca 250 qof, taa ayaana abuurtay cabsida ah in kulankaa aan lagu dheeli karin dalka dhibtu ka dhacday.

Cayaarta ayaa isla goortii loogu talo galay lagu dheeli doonaa magaalada Leiria oo ku taal dalka Portugal.

Kulanka dhexmaraya qaramada Belgium iyo Portugal ayaa ka mid ah kulamada saaxiibtinimo oo qaramadu isugu diyaarinayaan cayaaraha qaramada Yurub oo bisha June lagu dheeli doono Faransiiska.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version