Himilo – Ma ahan dugsi wax-barasho halka ay carruurtani ku sugan yihiin. Mana ahan goob xanaano ah oo lagu daryeelo. Waa guri ay leedahay haweeneyda isu aragta inay gebigoodba hooyo u wada tahay taas oo u sameysay gabaad ay ku kulmaan si ay wadajir ugu diyaar noqdaan qaabeynta mustaqbalkooda.
Carruurta baahiyaha gaarka ah qaba aalaaba sahal kuma ahan koriinshahooda ama mas’uuliyadooda kuwa xanaaneeya ilmaha. Sababtuna waa inay ka howl iyo hubin joogto ah uga baahan yihiin hadiyo jeer.
Balse haweeneydan waxay kaligeed isu-taagtay inay kaalintaas buuxisa. Carruurta aad ujeedaanna ma ahan toban iyo labaatan balse 44.
Saddex kamid ah ilmaha oo ay iyadu dhashay oo wada dhammeys ah marka laga reebo inta kale waa kuwa qaba xanuunno ay kamid tahay autism-ka.
Iyadaase u ah qofka ugu muhiimsan noloshooda oo howlgab u noqotay samata-bixintooda awgeed. Waxay u tahay macalinka nolosha. Qeyb kamid ah gurigeedana waxay uga dhigtay iskuul ay wax ku bartaan. Hadaf ay ku dooneyso inay ku dhisto timaadadooda dambe.
Sariirro isa-saar ah ayay ku hoydaan ilmahan isugu jira inamo iyo hablo. Waxaana qaar badan oo gaaray da’da filka ay hadda la qabsanayaan noloshii carruurnimada ee ay lumiyeen bilowgii cimrigooda. Waana qeyb kamid ah leyli jireedka loo sameeyo si ay uga shaqeysiiyaan xubnaha jirka kahor intaan loo dareerinin fasallada si wax loogu dhigo.
Seygeedu waa ruuxa kaliya ee kaalmada la dhinac jooga. Halka ay iyadu mashquul ku tahay barbaarintooda, waa seygeeda midka u noqday isha dhaqaale ee reerkan ballaaran. In yar oo aan badneyn oo kaalmo ah ayay ka heshaa ururrada samafalka.
Waxaase muhiim ah inaad is weydiiso sababta ku qaaday haweeneydan inay koriso ilmahan baahiyaha gaarka ah qaba? Shan sano kaddib guurkeeda markii aysan dhalin wax ubad ah, waxaa ku siyaaday rabitaanka hooyanimo. Waxayna Eebbe ka bariday inuu siiyo ubad ay korsato xattaa hadduu naafo yahay.
Ugu dambeyntiina waa la aqbalay ducadeeda. Balse ma dhalin ilmo naafo ah. Waxay dhashay kuwa caafimaad qaba. Sidaas awgeed, iyada oo ka mahadnaqeysa abaalkii Eebbe ku galladay, waxay go’aansatay inay xanaaneyso ilmaha la xanuunsan cudurrada maskaxda aafeeya iyo qaarka naafada noqday.
Waana sababta ka dambeysa dhismaha hoygan ay kula dhinac nool yihiin carruurtan oo tiro ahaan ka koobnaa shan ruux maalinkii lagu furay xarunta.
Mama Afrika waxay sheegtay inay dhib iyo dhegahadal ku mudatay taniyo goortii ay la ogaaday qorshaheeda iyo xattaa sababtii ay u dooratay inay adduun adag ku bixiso carruur aan la xamili Karin daryeelkooda.
Waxay qirtay in seygeedu xattaa marar u dheg-raariciyay tusaalaha habowsan ee lagu liidayay rejadeeda. Balse waxa kaliya oo ay ku guuleysatay uu yahay inay hanato qalbigiisa kana dhaadhiciso samaha ay beerayaan inuu kusoo noqon doono isaga oo wejiyo badan oo uusan marnaba ka habaabi doono abaalkooda.
Waa go’aan ay ku dhiirradeen iyo howlgal ku dhac ah oo ay wacad ku mareen ka guul-gaarideeda. Halka ay u socdaan ayaase dhaweyn madaama maalin walba ay mashquul joogto ah iyo maaro u helidda ubaxyadan dhaawacan ay u nool yihiin.
