Home Habka-Nolosha La kulan: Nin liqay taleefan Nokia ah

La kulan: Nin liqay taleefan Nokia ah

0

Himilo – Nin 33 jir oo ka soo jeeda Kosovo ayaa la soo weriyay inuu liqay taleefan Nokia ah inkasta oo aan la sheegin waxa ku xanbaaray falkan.

Qalliin naf badbaadin ah oo lagu sameeyay kadib waxaa lagu guuleystay in laga soo saaro calooshiisha Mobile-ka oo halis geliyay noloshiisa.

Dr Teljaku oo qalliinka ku sameeyay wuxuu sheegay in markii bukaanka loo keenay baarid kadib uu ogaaday in taleefanka uu u kala go’ay saddex gabal.

Dhakhtarka wuxuu sheegay in nolosha ninka ay halis ku jirtay maadaama uu batariga taleefanka uu ku dhex qarxay caloosha dhibbanaha.

Sida u cad daraasad la sameeyay sannadkii 2014 waxaa jira dhacdooyin dhowr ah oo sheegaya dad siyaabo kala duwan taleefanno u liqday.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version