Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha La kulan – Qaariga dusha ka qeybsan Qur’anka oo sanbab qura ka...

La kulan – Qaariga dusha ka qeybsan Qur’anka oo sanbab qura ka neefsada

0

Himilo – Dhageysiga codkiisa macaan oo uu ku aqrinayo Qur’anka, wuxuu kaa ridayaa qamandhacada ku saaran.

Isaga oo ku nool hal sanbab oo u fiyow oo kaliya, Nader Mahmud, oo 21 jir ah, wuxuu dalkiisa Lubnaan ku metelayaa tartanka sannadlaha ee Qur’anka oo ka dhacaya Dubai kaas oo bisha Ramadaan soconaya.

In kasta oo tartankani uu yahay kiisii ugu horreyey oo uu ka qeyb-galayo, haddana, Nader wuxuu codkiisa macaan ku qaboojinayaa qalbiyada.

Abaal-marinta Tartanka Qur’anka Dubai waxaa sannadle uga soo qeyb gala carruurta Muslimiinta ah.

Nader wuxuu barashada Qur’anka ku bilaabay da’da 14 jirka, wuxuuna saddex sanno kaddib ku guuleystay inuu dhammeeyo.

Hadda wuxuu dusha ka qeybsan yahay Qur’anka oo dhan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version