Home Arrimaha Bulshada Lamaane dib u cusbooneysiiyay guurkooda markii ay dhaafeen da’da 100-ka sanno

Lamaane dib u cusbooneysiiyay guurkooda markii ay dhaafeen da’da 100-ka sanno

0

Himilo -Lamaane ku nool gobalka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa muujiyay sida ay dhab u tahay oraahda tilmaameysa in jaceylka uusan laheyn da’ kaddib markii ay cusbooneysiiyeen xiriirkooda.

Sida uu baahiyay telefishinka CNN-ka, Van John Cook oo da’diisu tahay 100 jir ayaa dib u guursaday xaaskiisa Vieles oo 103 jir ah.

Lamaanayaasha da’da ah ayaa tagay maxkamad toddobaadkii hore si loo siiyo rukhsad kale oo guur iyaga oo oggaaday inay suuragal u tahay.

Mr John ayaa u sheegay CNN-ka in uusan qorsheysan guurka laakiin markii loo oggolaaday uusan ka labalabeyn.

Ms Vieles ayaa xustay in dad badan rumeysnaayeen inaysan arrinta suuragal aheyn laakiin xaqiiqada noqotay waxa la sameyn karo.

Waxay intaa raacisay in iyada iyo John ay si hagaagsan u wataan nolosha iyaga oo karsada cuntada, suuqa ka soo adeegta islamarkaana u baxa dalxiis.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version