Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Lampard oo aaminsan in Mourinho uu guulo u horseedi karo Man UTD

Lampard oo aaminsan in Mourinho uu guulo u horseedi karo Man UTD

0

Halyeyga Chelsea Frank Lampard ayaa aaminsan in macallinkiisii hore Jose Mourinho uu guulo ku gaari doono gegada Old Trafford kaddib doorkiisa hogaamineed ee kooxda Masraxa Riyada.

Lampard oo labo waqti ka hoos cayaaray macallin Mourinho ayaa kalsooni u muujiyay 53 jirka shaqada Red Devils loo dhiibay maallintii Jimcaha.

“Waa macallin sare, isaga oo kale ayayna United u baahneyd, waa u guul Premier League in markale horyaalkaa uu kasoo muuqdo Mourinho.” Lampard ayaa sidaa u sheegay The Sun.

Mourinho ayaa tababare soo ahaa 13 sanadood isagoo soo hogaamiyay kooxo ay kamid yihiin  Porto, Chelsea, Inter Milan iyo Real Madrid, isagoo ku guuleystay 22 koob oo waa weyn.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version