Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Lampard oo doonaya in halyeey kale uu dib ugu soo laabto Chelsea

Lampard oo doonaya in halyeey kale uu dib ugu soo laabto Chelsea

0

Himilo -Frank Lampard ayaa doonaya  in lagu soo daro kooxda daafacii hore ee Blues  Ashley Cole ka dib markii uu noqday tababaraha Chelsea toddobaadkii hore.

Lampard ayaa la  saxiixday Cole intii uu joogay Derby xilli ciyaareedkii hore oo uu ka keenay LA Galaxy , waxaana uu sheegayaa  wargayska The Sun  in 41 jirkan uu ka fekerayo inuu u soo bandhigo saaxiibkiisii hore ee ay isku kooxda ahaayeen  booska shaqaalaha tababarka.

Chelsea ayaa Lampard u gacan galisay heshiis seddex  sanno ah, waxaana uu ku  bilaaban doonaa kulanka furitaanka horyaalka Premier League  ciyaarta Manchester United   la qaadanayaan 11-ka August.

Labada ciyaaryahan ee reer England ayaa si wadajir ah ugu ciyaaray garoonka Stamford Bridge siddeed xilli ciyaareed intii u dhaxaysay 2006 illaa 2014, iyagoo ku guuleystay Premier League , Champions League iyo afar FA Cup.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa si aad ah u soo jiitay saameynta uu Cole ku yeeshay garoonka dhexdiisa intii lagu jiray Derby, waxaana uu doonayaa inuu saameyn ku yeesho qolka labiska ee Chelsea.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version