Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Leon Osman: ‘Everton waxay ku fashilantay inay beddel u hesho booskii Lukaku.’

Leon Osman: ‘Everton waxay ku fashilantay inay beddel u hesho booskii Lukaku.’

0

Muqdisho – Everton ayaan helin badelka  Romelu Lukaku kadib markii uu weeraryahanka xagaagan u dhaqaaqay Manchester United, sida laga soo xigtay Leon Osman.

Ciyaaryahankan heerka caalami ee dalka Belgium ayaa saameyn degdeg ah ku yeeshay Old Trafford ka dib markii uu yimid bishii July, isagoo lix gool dhaliyay lix kulan oo uu u saftay kulamadii xilli ciyaareedkan.

Osman, oo 16-sano kusoo qaatay Toffeeska, ayaa aaminsan in Ronald Koeman uu u baahan yahay inuu keeno weeraryahan cusub oo ah sida Lukaku haddii uu doonayo inuu kooxda ku sii hayo heerkan sarreeya.

36 jirkan ayaa u sheegay Sky Sport News: “saf ahaan waxaan u maleynayaa in Everton ay xoogan tahay, laakiin marka aad iibiso sida Lukaku oo kale waa in aad la timaaddaa bedelkiisa. Mana keenin kooxdu.”

Romelu Lukaku ayaa dhaliyay 87 gool 166 kulan oo uu u saftay kooxdiisa hore.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version