Himilo – Tirada dadka ku dhintay magaalada xeebeebka Derna ee dalka Libya ayaa gaartay 11,300 oo qof maanta oo riiqdu tahay ‘16-9-023’ xilli weli uu socdo baadi goobka dadka la la’yahay markii daad xoog leh uu magaalada ku rogmaday. Daadka wuxuu ka dhashay labo biyo xireeen oo magaalada ku goostay xilli roobab mahiigaan ah ay da’ayeen.
Biyaha ayaa la tagay guud ahaan qoysaskii ku noolaa magaalada Derna habeenkii axadka 10-09-023 natiijadii ka dhalatay ayaana keentay in 30,000 oo qof inay bannaanada ku hoydaan.
Siday wax uga dhaceen Libya?
Duufaanta Daniel oo ka soo kacday badda Mediterranean-ka oo ku dhufatay xeebaha bariga Libya iyo roob lixaad leh ayaa isku kaashaday dadkii magaalada Derna ku noolaa. Dadka magaaladu waxay sheegeen inay maqleen dhawaaq aad u xooggan markaas oo labadii biyo xireen ee magaaladu laheyd ay ss oodo jabsadeen.
Biyihii ku kaydsanaa biyo xireenka Wadi Derna oo fatahay waxay qaadeen guud ahaan dhismooyinkii magaalada iyagoo dadkii badda ku shubay.
Xeer ilaaalinta Libya waxay sheegeen inay baaritaan ku sameynayaan sababta dumisay hal-mar labada biyo xireen ee magaalada Derna
Dowr noocee ah ayuu qilaafka Libya ka qaatay musiibada dhacday?
Dalkan shidaalka qaniga ku ah wuxuu u qeybsan yahay labo dhinac muddo toban sano ah. Maamul dhanka bariga ka jira iyo maamulka caalamku aqoonsanyahay ee Tripoli fadhiya oo midba midka kale aano aqoonsaneyn, taasina waxay qeyb weyn ka qaadatay gurmadka oo gaabis ku bilowday.
Labada biyo xireen waxaa la dhisay 1970 balse sanadkii 2012-kii qarash gaaraya 2 milyan oo Yuuro ayaa lagu dayac-tiray taas oo muujineysa in musuq ballaaran uu dhacay.
Hadda waa sidee xaalada?
Dadka magaalada Derna intii musiibada ka badbaaday waxay aasayaan eheladooda qubuuro wadareed ayaana dadka lagu xabbaalayaan.
Saddax kun oo qof waxaa lagu aasay hal goob halka 2,000 oo kale lagu aasay goob kale. Intii badbaaday waxay u hoyanayaan goobo bannaan.
Kooxda gurmadka dag-dag ah waxay baadi goob ku hayaan dadka weli maqan, muuqaalo baraha bulshada la soo dhigay waxay muujinayaan musiimada meesha ka dhacday, magaaladii oo idil waxay isku beddeshay dhul bannaan.
Imiso qof ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda?
Wasaarada caafimaadka Libya waxay xaqiijisay geerida 11,300 oo qof balse dadka badan ayaa weli maqan oo aan la helin raq iyo ruux meel ay jiraan. Dadka badankood waxaa la rumeysan yahay inay geeridoodeen. Maydadka qaar rajo lagama qabo in la helo gaar ahaan kuwo baddu ay la tagtay.
Duqa magaalada Derna Abdel-moneim al-Ghaithi wuxuu sheegay in 20,000 oo qof ay daadadku la tageen .
Dadka ka badbaaday Musiimada waa sidee xaaladooda?
Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga waxay ku sheegtay tirada dadka musiibado saameysay 30,000 oo qof, boqoraal kamid ah dadkaas waxay ku qasbanaadeen inay guryadooda ka qaxaan, daadadku waxay saameyn weyn ku yeesheen waddooyinkii dadka gurmadka loo marsiin lahaa. 48 saac ayay ku qaadatay in gurmadkii ugu horreeyay uu gaaro magaalada
Qaramada Midoobay waxay codsatay 71.4 million oo dollor si gargaar dag dag ah loogu sameeyo 250,000 kun oo qof oo u baahan taageero.
