Home Cayaaro Lionel Messi oo ka soo kabtay COVID-19

Lionel Messi oo ka soo kabtay COVID-19

0

Himilo – tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay in Lionel Messi uu ku soo laaban doono shaxdiisa kulanka ay Isniinta wajahayaan kooxda Nice. 34-sano jirkaan ayaa seegay saddex kulan horraantii sanadka cusub ka dib markii uu ku dhacay COVID-19.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka Argentina ayaa ku soo laabtay isbuucii hore isagoo bedel ku soo galay gurigooda Reims.

Pochettino ayaa haatan ku qanacsan in xiddigii hore ee Barcelona uu si buuxda uga soo kabsaday virus-ka uuna diyaar u yahay in uu ku soo laabto 11-ka bilawga kulanka Nice.

Inkastoo uu shan gool u dhaliyay kooxda Faransiiska ciyaaraha horyaalka Champions League xilli ciyaareedkan, Messi ayaa ku dhibtooday horyaalka Ligue 1, halkaasoo uu hal gool ka dhaliyay 12 kulan oo uu saftay ilaa haatan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version