Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo aan dooneyn ciyaaryahanada Mbappe iyo Sancho

Liverpool oo aan dooneyn ciyaaryahanada Mbappe iyo Sancho

0

Himilo – Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabin ciyaaryahanada Kylian Mbappe iyo Jadon Sancho oo u kala ciyaara kooxaha Paris Saint-Germain iyo Borussia Dortmund.

Mbappe oo ku jira xilli ciyaareedkiisii seddexaad ee PSG ayaa la wariyay in uu ka tagi karo kooxda Faransiiska haddii ay mar kale guuldarro ka soo gaarto Champions League-ga.

Sancho ayaa la soo wariyay in uu ka tagi karo Dortmund si uu ugu soo wareego England, waxaa si gaar ah loola xiriirinayay kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Chelsea.

Marka la eego The Athletic, Liverpool ayaan qorsheynayn inay dalab ka gudbiso mid kamid ciyaaryahanadan suuq furanka Janaayo.

Kooxda ayaa goor sii horreysay gabagabeysay heshiis ay ku soo qaateen Takumi Minamino oo bandhig wanaagsan sameeyay ciyaartii ugu horreysay ee uu u safto Reds.

Isaga oo hadlayay goor hore, Klopp ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada saxiixa Mbappe sabab la xiriirta in ciyaaryahanada Faransiiska yihiin kuwa lagu doonayo qiimo badan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version