Home Cayaaro Liverpool oo aan ka soo bixi karin dalabka lacageed ee Sancho

Liverpool oo aan ka soo bixi karin dalabka lacageed ee Sancho

4

Himilo – Livepool ayaa lagu soo waramayaa in aysan ka soo bixi karin dalabka lacageed ee weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho.

20 jirka ayaa kamid noqday cayaaryahannada ay kooxo badan doonayaan kaddib bandhigiisa wanaagsan ee ol-olaha 2019-2020 isaga oo dhaliyay 14 gool islamarkaana caawiyay 16 kale 23 kulan oo Bundesliga ah.

Sida laga soo xigtay The Express, madaxda Liverpool ayaa la tilmaamayaa in aysan dooneyn inay ka soo baxaan dalabaadka lacageed oo kooxda Dortmund ku dooneyso Sancho.

Si kasta, marka la eego Irish Independent, Sancho ayaa si gaar ah u xaqiijiyay in uu ku laaban karo magaalada Manchester isaga oo aan xiiso u qabin in uu dib ula midoobo Manchester City.

Qandaraaska Sancho ee Dortmund ayaa dhacaya 2022-ka

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version