Himilo-Kooxda Liverpool ayaa bar-baro la gashay kooxda Fulham kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa premier League.
Liverpool ayaa inta badan ee ciyaarta ku dhamaystay 10 xiddig kadib markii laga saaray Andy Robertson.
Fulham waxa goolasha u dhaliyay xiddigaha Andreas Pereira iyo Rodrigo Muniez.
Dhinaca kale Liverpool waxa goolasha u dhaliyay Cody Gakpo iyo Diogo Jota waxana ay ciyaartu ku dhamaatay bar-baro 2/2.
