Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo beddalka Mane ka aragtay PSG

Liverpool oo beddalka Mane ka aragtay PSG

0

Himilo – Liverpool ayaa u aragta cayaaryahanka kooxda PSG ee Mbappe beddalka Sadio Mane sida ay tilmaameen warbixinno cusub.

Wakiillada Mane ayaa la soo warinayaa inay la soo xiriirtay Real Madrid oo u dhaqaaqi karta laacibka. Liverpool ayaa ku qiimeynaysa cayaaryahanka muhiimka u ah adduun dhan £150 Milyan.

Sida laga soo xigtay The Sun, Liverpool ayaa isha ku heysa Mbappe oo ay dooneyso haddii uu Mane ku biiro kooxda uu leyliyo Zinedine Zidane.

Jurgen Klopp, tababaraha Liverpool, ayaa goor sii horreysay sheegay in kooxda aysan ka bixi Karin kharashaadka weeraryahanka PSG.

Si kasta, warbixinnada ayaa muujinaya in heshiiska faa’iidada badan oo ay Liverpool la gashay Nike uu xoojin karo fursadaha saxiixa 21 jirka oo u dhaliyay 18 gool islamarkaana caawiyay toddobo kale kooxda tababare Thomas Tuchel.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version