Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo dooneysa xiddig katirsan Paris Fc

Liverpool oo dooneysa xiddig katirsan Paris Fc

0

Himilo FM –Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xagaagan inay lasoo wareegto weeraryahanka Paris Fc xiddiga lagu magacaabo Silas Wamangituka.

19 jirkan ayaa dhaliyay seddeed gool 24 kulan oo uu u saftay kooxda Ligue 2 xilli ciyaareedkan 2018-19.

Sida laga soo xigtay Get French Football News, Liverpool ayaa indha indheynaysay da ‘yarka xilli ciyaareedkan halka Barcelona, Newcastle United iyo Fiorentina ay sidoo kale daawanayeen xilli ciyaareedkan.

Laacibka ayaa ku dhashay DR Congo kaddibna waxa uu u wareegay Faransiiska si uu ugu biiro Ales isagoo 17 jir ah ka hor inta uusan u wareegin Paris FC 2018.

Weeraryahankan wuxuu qandaraas kula jiraa kooxdiisa haatan illaa iyo xagaaga 2021 laakiin waxaa laga yaabaa in uu ka tago Stade Charlety dhammaadka xilli ciyaareedka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version