Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo hoggaaminaysa tartanka loogu jiro Timo Werner

Liverpool oo hoggaaminaysa tartanka loogu jiro Timo Werner

0

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay wali xiiseynayso xaqiijinta saxiixa weeraryahanka Timo Werner inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Inkasta oo cayaaryahanka reer Jarmal si weyn loola xiririiyay garoonka Anfield, haddana xannuunka safmarka ee Karoona ayaa wax badan ka beddalay suuqa kala iibisiga.

Si kasta, The Independent ayaa soo warinaya in Liverpool ka go’an tahay saxiixa weeraryahanka kahor bilaabashada ol-olaha soo socda.

Chelsea iyo Bayern ayaa sidoo kale lalal xiriiriyay cayaaryahanka 24 jirka ah oo dhawaan sheegay in uu jecel yahay in uu ka tago Bundesliga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version