Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo ka cadhootay ka dib markii Arnold, Keïta iyo Mané lagula...

Liverpool oo ka cadhootay ka dib markii Arnold, Keïta iyo Mané lagula kacay fal cunsurinimo

0

Himilo – Liverpool ayaa ku baaqday “tilaabooyinka ugu adag ee looga hortagi karo” in lagula wareego cunsuriyada baraha bulshada kadib markii la bartilmaameedsaday Trent Alexander-Arnold, Naby Keïta iyo Sadio Mané.

Ciyaartoyda waxaa loo soo diray emojis cunsuriyad iyo faallooyin la soo dhigay Instagram ka dib guuldaradii lugta hore ee wareega 8da Champions League ee Talaadadii ka soo gaartay Real Madrid.

“Markale waxaan si murugo leh uga hadlaynaa cunsuriyada la nacay ee subaxii kadib ciyaar kubada cagta ah,” ayay tiri kooxda. “Gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin waana in la joojiyaa. LFC waxay cambaareyneysaa dhammaan noocyada takoorka,

“Xaaladda hadda jirta looma ogolaan karo inay sii socoto waana waajib ina saran dhammaanteen inaan hubinno inaysan sii socon.

“Waxaan u soo bandhigi doonaa ciyaartoydeena dhamaan taageerada ay u baahan yihiin.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version