Home Cayaaro Liverpool oo ku dhaw inay la soo saxiixato daafac da’yar ah

Liverpool oo ku dhaw inay la soo saxiixato daafac da’yar ah

0

Himilo – Liverpool ayaa u dhaw inay heshiis ay la gaarto daafaca dambeedka dhexe ee kooxda PEC Zwolle Sepp van den Berg.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa 18 jir noqon doona  sanadka cusub, laakiin wuxuu durbadiiba u saftay 22 kulan kooxda koowaad naadiga reer  Dutch.

Van den Berg ayaa 15 jeer ka soo muuqday kooxda Eredivisie intii lagu jiray ololaha 2018-19 isagoo ka hoos shaqeeyay macalinkiisa oo ah daafac dhexehii  hore ee Manchester United Jaap Stam.

Sida laga soo xigtay Goal.com, Liverpool ayaa rajeyneysa inay dhameystirto saxiixa da ‘yarka, inkastoo Bayern Munich, Ajax, PSV Eindhoven iyo Sampdoria ay sidoo kale xiiso u qabaan.

Inkastoo inta badan daafac dhexe ka ciyaaro , Van den Berg ayaa sidoo kale ka ciyaaray dhanka middig ee daafaca Zwolle xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa inaysan dooneynin inay la saxiixdaan xiddiga Real Betis ee Junior Firpo xagaaga suuqa kala iibsiga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version