Home Cayaaro Liverpool oo kula biirtay Man United doonista da ‘yar reer France ah

Liverpool oo kula biirtay Man United doonista da ‘yar reer France ah

0

Himilo- Liverpool ayaa  kula tartami doonto Manchester United raadinta da ‘yarka kooxda Lyon Rayan Cherki.

Inkastoo uu kaliya yahay 16 sano jir, weeraryahanka ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxda waa weyn ee Lyon ee Ligue 1 iyo Champions League, isagoo saftay kulankiisii ugu horeysay ee koox markii ay barbaro 0-0 la galeen Dijon bishii Oktoobar.

Da ‘yarkaan ayaa sidoo kale kasoo muuqday intii lagu jiray kulankii ugu dambeeyay ee Lyon la yeelatay Zenit Saint Petersburg ee Russia isbuucii hore.

Sida laga soo xigtay 90min, Liverpool ayaa xooga saareysay xaqiijinta saxiixa ciyaaryahanka sannadka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyaasha Premier League ayaa lagu soo waramayaa inay tartan adag kala kulmayaan labada Naadi ee kala ah United iyo Real Madrid saxiixa Cherki.

In kasta oo dhawaan uu heshiis cusub u saxeexay kooxda illaa iyo 2022-ka ah, madaxweynaha kooxda Jean-Michel Aulas waxa uu fahansan yahay in uusan awood u yeelan doonin in uu xiddigu baxo hadii dalabkii saxda ahaa uu yimaado – xitaa suurta gal haday tahay bisha Janaayo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version