Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo la xiriirtay ciyaaryahan reer Brazil ah

Liverpool oo la xiriirtay ciyaaryahan reer Brazil ah

0

Himilo- Liverpool ayaa xiriir la sameysay weeraryahanka Fluminense Evanilson si ay ula soo saxiixato da ‘yarkaan.

20 jirkan ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya xulka juunyerka Brazil ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, qaab ciyaareedkiisuna soo jiitay indhaha kooxda heysata horyaalnimada Yurub.

Liverpool ayaa la fahamsan yahay inay isha ku heysay horumarkiisa, waxaana shabakada reer Brazil ee Netflu ay sheegeysaa inay haatan xiriir la sameeyeen wakiilada weeraryahanka.

Qandaraaska haatan ee Evanilson wuxuu dhacayaa Febraayo 2020, Fluminense ayaa diyaar u ah inay lacag kaash ah ku heso oo dhan 4 milyan oo ginni halkii ay  lumin laheyd  sannadka soo socda.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa dhawaan ka dhawaajiyay inay kooxda u furan tahay inay la soo saxiixato weeraryahan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo hadii ay u ogolaadaan Rhian Brewster inuu amaah ku baxo.

Brewster ayaa lala xiriiriyay kooxaha sida Crystal Palace, Aston Villa iyo Swansea City isagoo ku koobnaa kaliya labo kulan oo EFL Cup ah ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version