Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Liverpool oo mar kale barbaro ka heshay Tartanka Champions League.

Liverpool oo mar kale barbaro ka heshay Tartanka Champions League.

0

Muqdisho – Kooxda Liverpool ayaa wali natiijo Guul ah kasoo hoyn Tartanka Champions Leaque waxayna barbaro 1-1 ah la soo gashay kooxda Spartak Moscow.

Liverpool ayaa wali ku dhibaatoonaysa koobka ay sanadahaan ka qeybka tahay ee UCL-ga .

Waxay heshay fursado badan goolal badan lagu dhalin karay iyada oo Sturridge iyo Mohamed Salah ay lumiyeen fursado  waxayna taasi keentay in kulankii labaad oo xidhiidh ah ay Reds barbaro gasho iyada oo laba kulan oo Champions Leaque ah ka heshay 2 dhibcood oo kaliya.

Spartak Moscow xidigeeda Fernando Lucas Martins ayaa daqiiqadii 23’aad goolka u dhaliyay 1 –0

Isla qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadaii 31aad waxaa goolka bar baraha ah u keenay Liverpool, Philippe Coutinho kaas oo caawin ka helay Sadio Mane 1-1

Laakin isku soo laabadkii wax gool ah la iskama dhalin sidaa ayayna ku idlaatay Ciyaarta

Qore: Hanaa Maxamed Maxamud.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version