Himilo – Jurgen Klopp ayaa isha ku haya inuu sameeyo ugu yaraan labo ciyaaryahan oo dheeri ah isbuucyada soo socda isagoo doonaya inuu xoojiyo khadka dhexe iyo seddexaad ee ugu dambeya.
Marko Grujic iyo Taiwo Awoniyi ayaa durbaba loo ogolaaday inay u ambabaxaan Porto iyo Union Berlin, heshiisyada la filayo inay keenaan ku dhowaad 17 milyan oo ginni.
Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Liverpool Echo, kooxda ka dhisan Merseyside ayaa diyaar u ah inay iska dirto shan xubnood oo dheeri ah isbuucyada soo socda.
Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay tixgelin doonto dalab kasta oo muhiim ah oo laga soo gudbiyo Nat Phillips, Divock Origi, Harry Wilson, Neco Williams iyo Xherdan Shaqiri.
Madaxda kooxda ayaa la sheegayaa inay aaminsan yihiin inay ku ku heli karaan ilaa £ 70m iibinta afartan xidig.
