Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo Thiago Alcantara keenaysa garoonka Anfield

Liverpool oo Thiago Alcantara keenaysa garoonka Anfield

0

Himilo – Liverpool ayaa dooneysa in cayaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich keento garoonka Anfield inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

29 jirka Thiago Alcantara ayaa mar kale noqday cayaaryahan muhiim u ah kooxda Jarmalka ah xilli cayaareedkan isaga oo ka soo muuqday 36 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil. Qandaraaska laacibka reer Spain ee Allianz Arena ayaa dhacaya bisha June ee soo socota.

Warbixinno dhawaan soo baxay ayaa muujiyay in Liverpool ay wadahadallo la yeelatay Bayern si ay ula soo wareegto Thiago Alcantara.

Sida laga soo xigtay Sport, kooxda heysta horyaalka Yurub ayaa rukuntay boos ay kula wareegi karaan cayaaryahanka qaranka Spain.

Bayern aya la soo warinayaa inay cayaaryahanka ku dooneyso adduun dhan €35m (£31.6m).

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version