Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo u dhaqaaqi karta weeraryahanka RB Leipzig ee Werner

Liverpool oo u dhaqaaqi karta weeraryahanka RB Leipzig ee Werner

0

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheynayso u dhaqaaqista weeraryahanka kooxda RB Leipzig Timo Werner xilli danbe oo sannadkan ah.

Isaga oo dhaliyay 23 gool oo horyaalka Bundesliga ah xilli cayaareedkan, Werner ayaa la tilmaamay in uu u dhaqaaqi karo mid kamid ah kooxaha waaweyn ee Yurub.

Iyada oo la soo wariyay in Chelsea xiiseynayso haddana Liverpool ayaa si weyn loola xiriiriyay cayaaryahanka Jarmalka ah.

Sida laga soo xigtay  James Pearce oo katirsan The Athletic, Liverpool ayaa qorsheynaysa inay dalab u dirto cayaaryahanka 23 jirka ah suuq furanka xagaaga.

Iyada oo Sadio Mane iyo Maxamed Salah la filayo inay wakhti ku bixiyaan koobka Qaramada Afrika, Jurgen Klopp ayaa doonaya in uu xoojiyo weerarkiisa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version