Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo walwal badan aan ka qabin dhaawacii soo gaaray Maxamed Saalax

Liverpool oo walwal badan aan ka qabin dhaawacii soo gaaray Maxamed Saalax

0

Himilo – Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayuu dhaawac kasoo gaaray kulankii ay barbarraha ka tuugeen Ghana, taas oo uu garabka weerarka Liverpool uga baxay dhaawac soo gaadhay qaybta hore

Salah ayaa is-qabtay muruqa lugta, waxaana uu dhax fadhiistay garoonka oo ay ugu yimaaddeen dhakhaatiirtu, kaddibna waxa uu ka baxay garoonka, si aanu khatar badan u gelin.

Ciyaartan oo kusoo dhamaatay barbarro 2-2 ah, ayaa waxa laba gool kaga nixiyey Masar xiddiga West Ham ee Mohammed Kudus, laakiin Masar ayaa awoodday inay la timaaddo labada gool, Saalax ayaa ka baxay garoonka Felix Houphouet Boigny isaga oo soconaya.

Muuqaalka laga duubay Salah markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa muujinaya in aanu dhibaato badan qabin, waxaanu u socon karayay si wanaagsan, taas oo warbaahintu ku tilmaameen in uu awoodi karayo inuu si degdeg ah ugu soo noqdo.

 

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version