Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo xiiso u qabta mid ka mida daafacyada Sevilla

Liverpool oo xiiso u qabta mid ka mida daafacyada Sevilla

0

Himilo- Kooxda Liverpool ayaa ku biirtay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca kooxda Sevilla Diego Carlos ka hor suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Markii uu ka tagay Nantes kuna biiray kooxda La Liga ka dhisan xagaagii, Carlos ayaa laftiisa noqday nin muhiim u ah kooxda, isagoo 18 kulan ku bilaawday horyaalka Spain.

Horraantii toddobaadkan, waxaa la soo jeediyay in Manchester City ay u aqoonsato xiddiga reer Brazil inuu yahay saxiix macquul ah waqti uun sannadka 2020.

Sikastaba, sida laga soo xigtay El Desmarque, Liverpool ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo 26-jirkan, kaasoo la sheegay in heshiiskiisa lagu burburin karo 65 milyan oo ginni.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Jurgen Klopp uu diyaar u yahay inuu la kulmo tiradaas bartamihii ololaha xilli uu dalbaday inuu keeno wajiyo cusub .

Imaanshiyaha Carlos waxay u saamaxaysaa Dejan Lovren inuu meel kale ka helo tartan cusub.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version