Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Lucas Vazquez oo iska lumiyay fursad uu ugu biiri lahaa kooxda...

Lucas Vazquez oo iska lumiyay fursad uu ugu biiri lahaa kooxda Atletico Madrid

0

Himilo – Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Lucas Vazquez ayaa lagu soo warramayaa in uu iska diiday fursad uu xagaagan si xor ah ugu biiri lahaa kooxda Atletico Madrid.

Qandaraaska Vazquez ee Real Madrid ayaa dhacaya xagaagan, laakiin kooxda Caddaanka ayaa isku diyaarinaysa dalab cusub oo ay ku dheereynayaan joogitaankiisa Bernabeu.

29 jirkaan ayaa haatan qaata € 3.5 milyan sannadkii, waxaana lagu wadaa inuu helo dalab ka fiican oo gaaraya 5 milyan oo euro si uu kooxda usii joogo muddo seddex sanno ah.

Atletico Madrid ayaa isha ku heysay saxiixa weeraryahankan, laakiin AS ayaa ku warrameysa in Vazquez uu diiday maadaama iyaga iyo Real Madrid ay isku magaalo yihiin.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version