Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Lucas Vazquez oo ku sii dhawaanaya albaabka looga baxo Real Madrid

Lucas Vazquez oo ku sii dhawaanaya albaabka looga baxo Real Madrid

0

Himilo – Lucas Vazquez ayaa u muuqda inuu ka tagayo Real Madrid ka dib markii uu burburay wadahadalo ku saabsan heshiis cusub.

Wakiilka 29 jirkaan ayaa la fahamsan yahay inuu la kulmay agaasimaha guud ee Los Blancos, Jose Angel Sanchez maalmihii ugu dambeeyay, laakiin wax heshiis ah ma uusan soo bixin.

Sidaasoo kale, Lucas-ka boosaska badan ayaa haatan ka fiirsanaya dalabyo uga yimid meelo kale iyadoo Real Madrid ay dooneyso inay buuxiso booska uu ka tagi doono.

Tan iyo markii  dib loo celiyay qorshihii ugu horeeyay ee kooxda ee heshiis seddex sano ah – oo ku lug lahaa 10 boqolkiiba mushahar dhimis – wadahadaladii u dhaxeeyay Lucas iyo Los Merengues ayaa hakad ku jiray ilaa kulankaan ugu dambeeyay, kaasoo u muuqda mid lagu xaqiijinayo labada dhinacba inay kala tagayaan.

Waxaas oo dhan maahan in la yiraahdo Lucas wuxuu soo qaatay xilli ciyaareed liita – waa ka fog yahay taas.

Wuxuu fure u ahaa shaxdii Zinedine Zidane, isagoo dhaawacyadii ugu badnaa kahelay Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola si uu boos joogto ah uga helo daafaca midig.

Wuxuuna kasoo muuqday dhamaan laakiiin todoba ka mida  Real Madrid 37 kulan oo tartan rasmi ah xilli ciyaareedkan ayuu dheelay, afar dhaawac ayuu ku seegay seddexna waxaa qaatay go’aano taatiko ah oo uu qaatay Zidane. Bilowgii ololaha, looma filayn inuu kaalin intaa le’eg qaato.

Xaqiiqdii, xagaagii hore wuxuu dalab ka helay koox reer Qatar ah, laakiin aakhirkii wuxuu go’aansaday inuu sii joogo caasimada Spain.

Lucas wuxuu aaminsan yahay inuu u qalmo inuu sii joogo Real Madrid, laakiin xaalada qandaraaskiisa oo cakiran, wuxuu raadin doonaa koox cusub oo si joogto ah ugu tartameysa Champions League.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version