Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Luka Jovic Oo Meesha Ka Saaray Inuu Ka Tagayo Real Madrid

Luka Jovic Oo Meesha Ka Saaray Inuu Ka Tagayo Real Madrid

0

Himilo – Weeraryahanka Real Madrid Luka Jovic ayaa shaaca ka qaaday inuusan amaah uga tagi doonin Bernabeu xagaagan.

Los Blancos ayaa keliya 21 jirka ka soo iibsatay kooxda Eintracht Frankfurt bilowgii June.

Si kastaba ha noqotee, waxaa la soo jeediyay in xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia uu ku guuldareystay inuu soo jiito macalin Zinedine Zidane inta lagu jiray isku diyaarinta  xilli ciyaareedka, taasoo u horseedi karta amaah in uu ku baxo ka hor bilowga September.

AC Milan ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso ciyaaryahanka oo dhaliyay 36 gool 75 kulan oo uu usaftay Frankfurt, laakiin Jovic ayaa shaaca ka qaaday inuu heysto taageerada buuxda ee Zidane.

 “Zidane wuu  i rumeysanyahay aniga sheekadiisana isma badalin mudada aan wada shaqeyneyno ” ayuu Jovic u sheegay Novosti.

Waxaan ka bartaa isaga maalinba maalinta ka dambaysa, taas oo aan ku qanacsanahay, maxaa yeelay isagu, ciyaartoy ahaan iyo tababare ahaanba, wuxuu ku jiraa heerka ugu sareeya kubada cagta adduunka. ”

Weeraryahanka ayaa kulankiisii ​​ugu horeysay u saftay Madrid kulankii Celta Vigo sabtidii, halkaasoo goolal ay kala dhaliyeen Karim Benzema, Toni Kroos iyo Lucas Vazquez oo ay arkeen kooxda caasimada ka dhisan inay u furan tahay xilli ciyaareedkooda 2019-20 La Liga ka dib markii ay 3-1 ku badiyeen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version