Himilo – 04-tii December sanadkii 2000, fadhi ay yeesheen golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa looga dhawaaqay in 20-ka Juun sanad weliba loo dabaal degi doono maalinta caalamiga ah ee Qaxootiga, waxaa go’aanka gogol xaar u ahaa axdigii qaxootiga ee la saxiixay 1951-kii ee laga soo dhanbalay baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Waxaa baaqaasi oo lagu saxiixay Janeefa uu sifeynayaa qofka noqon kara qaxooti iyo xuquuqda uu ku leeyahay dalka uu gaaro, sanadkii xigay ee 2001-kii ayaa la xusay markii ugu horreysay maalinta caalamiga ah ee qaxootiga.
Waa maalin la xusuusta nolosha dadka ku qasbanaaday inay ka qaxaan guryahooda, waxaa indha dowladaha deeqaha bixiya iyo hay’adaha taageera lagu jeediyaa qaxootiga.
Sida ku dhigan xog Hay’adda qaxootiga Caalamka ee UNHCR ku soo beegtay maalinta caalamiga ah ee Qaxootiga, 82.4 milyan oo ruux ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan guryahooda, dadkaasi 26.4 milyan oo ka mid ah ayaa ka tallaabay xuduudaha dalalkooda iyaga oo galay badigood kuwa jaarka la ah.
Qaxootiga dunida 68-boqolkiiba waxaa ka qaxeen dalalka Siiriya, Finisuweela, Afgaanistaan, Koofur Suudaan iyo Miyanmaar oo ay ka aloosan yihiin xasarado. waxaana martigaliyay 86% qaar ka mid ah wadamada soo koraya, halka 73% ay marti galiyeen dalalka jaarka la ah wadamada ay ka qaxeen.
In ka badan kala bar dadka ku qasbanaaday inay ka cararaan guryahooda waxey ku barakaceen gudaha waxay UNHCR-tu rumeysan tahay in tiradoodu tahay 48-milyan oo qof.
Cudurka Covid-19 ee wada gaaray caalamka ayaa la yimid culeys kale, isaga oo kordhiyay tirada dadka ka qaxay dalalkooda markii uu dhaawacay dhaqaalaha wadamadii ay ku noolaayeen. dadkaasi qaarkood ayaa mara bado iyo wadooyin halis ah si ay u gaaraan goob nabdoon oo ay ka heli karaan nolol.
Inta ay ku jiraan safarkaasi ayey la kulmaan tacadiyo markii ay gaaraan dalal nabdoon ma helaan waxyaabaha aas aaska u ah noloshada sida Hooy hagaagsan, Cunto xiriir ah, caafimaad iyo waxbarasho, waxeyna badankood ku tiirsan yihiin hay’adaha samafalka iyo caawinaad aanan badneyn oo ay u fidiyaan dowladaha dalalka ay ku nool yihiin.
Dadaalo la sameeyay si loo hakiyo ququlka qaxootiga caalamka ayaa lagu guul darreystay, waxaana la wada fahansan yahay in xalkooda yahay in lagu caawiyo dalalka.
