Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Macallin Saalax Faarax oo isaga tegay kooxda Heegan

Macallin Saalax Faarax oo isaga tegay kooxda Heegan

0

Hogaamiyihii kooxda ciidanka booliska Saalax Faarax Muxudiin ayaa isaga tegay shaqadii leylineed ee kooxdan.

Macallin Saalax ayaana kooxda kubadda cagta Heegan u suurto geliyay in xagaagii tegay ay ku dhameystaan booska afaraad ee kala sareynta horyaalka Soomaaliya, iyagoo urursaday 30 dhibcood.

Xagaa kahor ayuuna tababarahaan shaqada kooxda kala wareegay macallin Axmed Gadaamow oo kamid ahaa macallimiintii ugu guulaha badnaa kooxda ciidanka.

Leyliyahii hore ee kooxda Macallin Gadaamow ayaa kula guuleystay Heegan lix koob oo uu ka mid ahaa kii horyaalka kooxdu hanatay xagaagii 2014-2015.

Maamulka guud ee kooxdan ayaana laga dhowraya waqtiyada soo aadan in macallin cusub ay kooxda u soo magacaabaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version