Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Madax-weynaha Atletico: “Simeone magali karo gorgortan.”

Madax-weynaha Atletico: “Simeone magali karo gorgortan.”

0

Muqdisho – Maareeyaha kooxda Everton, Farhad Moshiri wuxuu dadaal ugu jiraa bedelka macalinkii hore ee Toffees-ka, Ronald Koeman. Macalin Simeone wuxuu ku jiraa bartilmaameedka hore ee naadiga, sidaas waxaa fahamsan Sky Sports News.

Kooxda macalin Simeone waxay ku jirtaa kaalinta 4aad ee kala horreynta horyaalka Spain – iyada oo 8 dhibcood ka hooseysa Barcelona waxayna halis ugu jiraan luminta fursadda ay kaga mid noqon karaan horyaalka Champion League.

Balse in kasta oo bilowgu ku xun yahay kooxda, madaxw-weynaha Atletico Enrique Cerezo ayaa ku hal-adag in Simeone uusan meel uga dhaqaaqaynin kooxda.

Simeone waxaa la fahamsan yahay inuu ku faraxsan yahay Atletico Madrid isaga oo bishii Sept u saxiixay heshiis ilaa sanadka 2020-ka gaaraya.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version