Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Maddison oo qarka u saaran inuu niyad dilo Man United

Maddison oo qarka u saaran inuu niyad dilo Man United

0

Himilo- James Maddison ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qandaraas cusub u saxeexo Leicester City inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in uu ku biirayo kooxda Man United.

Xiddiga qadka dhexe ee weerarka ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford ka dib markii uu wacdaro ka dhigay Foxes, iyadoo Ole Gunnar Solskjaer uu doonayo inuu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa.

Si kastaba, inkasta oo ay soo jeedinayeen in 22 jirkan uu dhawaan tagayo, Maddison ayaa loo maleynayaa inuu isku diyaarinayo inuu heshiis cusub u saxeexo garoonka King Power, sida laga soo xigtay The Athletic

Iyada oo la ogyahay in United doonayso, waxaa la rumeysan yahay in Liverpool iyo Tottenham Hotspur ay sidoo kale ka fiirsanayaan inay isku dayaan saxiixa xidiga Ingriiska.

Maddison ayaa dhaliyay seddex gool waxaana loo diiwaangalshay labo caawin Leicester sagaal kulan oo uu usaftay tartamada oo dhan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version