Home Habka-Nolosha Maksiko: Booliiska oo xeray dameer sameeyay rabshado badan

Maksiko: Booliiska oo xeray dameer sameeyay rabshado badan

0

Himilo- Dhacdo layaab leh ayaa ka dhacday magaalo ku taalla dalka Maksiko kaddib markii booliiska xabsi dhigeen dameer ka soo baxsaday ninka lahaa oo rabshado badan sameeyay.

Dameerka ayaa ka soo cararay magaalada Comitán oo katirsan gaobalka Chiapas ee dalka Maksiko isaga oo dhibaatooyin u badan burburin ka geystay magaalada.

Tani waxay keentay in loogu yeero booliiska oo qabtay islamarkaana u kaxeeyay xabsi weyn oo ku yaalla Comitán.

Booliiska ayaa tilmaamay in mulkiilaha dameerka rabshadaha badan laga doonayo lacag magdhaw ah oo la siinayo dadkii lahaa hantidii uu burburiyay sida laga soo xigtay wargeyska La Vanguardia.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version