Home Cayaaro Man City oo hoggaamineysa tartanka loogu jiro Koulibaly

Man City oo hoggaamineysa tartanka loogu jiro Koulibaly

0

Himilo – Daafaca kooxda Napoli Kalidou Koulibaly ayaa lagu soo waramayaa in uu rumeysan yahay in uu heysto fursad weyn oo uu ugu biiri karo Manchester City inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Cayaaryahanka reer Senegal ayaa loo oggolaan doonaa in uu ka tago kooxda reer Talyaani kahor ol-olaha 2020-21 isaga oo lagu qiimeeyay adduun dhan £90m.

Liverpool ayaa si weyn loola xiriiriyay 29 jirka inkasta la fahamsan yahay in aysan diyaar la aheyn qiimaha lacageed oo ay dooneyso Napoli.

Sida laga soo xigtay saxafiga Duncan Castles, Koulibaly ayaa aaminsan in uu u dhaqaaqi doono garoonka Etihad Stadium xagaaga.

Qandaraaska daafaca ee Stadio San Paolo ayaa waxaa ka harsan muddo seddex sanno ah. Manchester United iyo Chelsea ayaa sidoo kale lala xiriiriyay xiisaha laacibka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version