Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man City Oo Ku Biirtay Tartanka Lautaro Martinez

Man City Oo Ku Biirtay Tartanka Lautaro Martinez

1

Himilo – Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay qorsheyneyso in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Inter Milan Lautaro Martinez.

22-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku  qaadanaya kooxda Inter inta lagu gudajiray ololaha 2019-20, isagoo shabaqa soo taabtay 13 jeer 19 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Martinez waxa uu dhaliyay sideed gool 14 kulan oo Serie A ah, halka uu sidoo kale dhaliyay shan gool shan kulan oo Champions League ah inta lagu jiro bilow adag ee xilli ciyaareedka.

Manchester United iyo Barcelona ayaa labadoodaba lala xiriirinayay xiddiga reer Argentina isbuucyadii u danbeysay.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Sky Sport Italia, City ayaa sidoo kale ugaarsi ugu jirta iyadoo tababare Pep Guardiola uu u arko Martinez inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee tartan u keenaya Sergio Aguero afka hore ee seddexda ah.

Inter ayaa la sheegay inay ku qiimeyneyso Weeraryahanka South America £ 96 milyan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version