Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man City oo u dhaqaaqday Messi-ga cusub ee Argentina

Man City oo u dhaqaaqday Messi-ga cusub ee Argentina

0

Himilo FM –Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay xagaaga lasoo wareegto weeraryahanka Velez Sarsfield xiddiga lagu magacaabo Thiago Almada.

17 jirkan ayaa seddex jeer shabaqa soo taabtay labana caawiyey 16 kulan oo uu u saftay kooxda Velez xilli ciyaareedkan, waxaa laacibkan loogu yeeraa Lionel Messi-ga cusub ee Argentina.

Sida laga soo xigtay The Sun, City ayaa sameysay bartilmaameed ay kusoo qaadanayaan weeraryahankan marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga, Citizens ayaana isku diyaarineysa inay 20 Milyan ginni ku bixiso adeeggiisa.

Almada, oo inta badan ka ka ciyaara booska 10aad, ayaa dhaliyay hal gool 7 kulan oo uu u saftay xulka Argentina ee da’dooda ka hooseyso 20 jir.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version