Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man United oo diiday kordhinta heshiisyada KMG ee Sanches iyo Smalling

Man United oo diiday kordhinta heshiisyada KMG ee Sanches iyo Smalling

0

Himilo – Man United ayaa meesha ka saartay suurtagalnimada in ay fasaxdo Alexis Sanchez iyo Chris Smalling oo ammaah uga maqan illaa dhammaadka Europa League.

Labada cayaaryahan ayaa heshiis ku-meel-gaar ah ugu biiray Inter Milan billowgii xilli cayaareedkan.

Sida qorshaha yahay, cayaaryahannada ayaa ku laabanaya Manchester United kaddib maalinta ugu danbeysa ee horyaalka Serie A oo ku asteysan 2-da August, taasi oo ka dhigan in aysan ka qeyb qaadan Karin kulamada ka harsan Europa League.

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa dooneysa in ay dib u soo celiso laacibiinta si madaxooda loogu helo lacago lagu soo iibiyo Jadon Sancho.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version