Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man United oo dooneysa inay iibiso Pogba kahor Euro 2020

Man United oo dooneysa inay iibiso Pogba kahor Euro 2020

0

Himilo – Manchester United ayaa la soo warinayaa inay riixayso iibinta Paul Pogba kahor billowga cayaaraha Euro 2020.

Inkasta oo United ay goor sii horreysay ku adkeysatay in aysan iibin doonin cayaaryahanka khadka dhexe haddana waxaa la tilmaamayaa in kooxda horyaalka Ingiriiska ay diyaar u tahay iibinta 26 jirka.

Laacibka Faransiiska ayaa la sheegay in lagu qiimeeyay adduun dhan £83 Milyan iyada oo ay xiiseynayaan kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Sida laga soo xigtay The Mirror, United ayaa dooneysa inay iibiso cayaaryahanka ku guuleystay koobka adduunka si ay u xoojiso lacagaha ay suuqa la tagi karto xagaaga.

Qandaraaska Pogba ee Old Trafford ayaa ku eg illaa 2022-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version