Himilo – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay aqbashay heshiis ay kula soo wareegayso daafaca kooxda Napoli Kalidou Koulibaly.
Kaddib markii uu sameeyay bandhig wanaagsan, Koulibaly ayaa si weyn loola xiriiriyay u dhaqaaqista garoonka Old Trafford xilli cayaareedyo kala duwaan.
Inkasta oo uu mowqif adag ka qaatay mustaqbalkiisa haddana Napoli ayaa la tilmaamaysa inay u furan tahay dalabaadka ciyaaryahanka ee 2020-ka.
Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabio Santini, United ayaa ku wargelisay kooxda reer Talyaani inay ku dooneyso daafaca 28 jirka ah adduun dhan £64 Milyan.
Santini ayaa intaa raaciyay “Napoli waxay Koulibaly ka iibineysaa Man United lacag lagu qiyaasay €70-75 Milyan.”
Napoli ayaa iibsatay Koulibaly markii uu ka soo tagay kooxda genk billowga xilli cayaareedkii 2014-2015.
