Home Cayaaro Man United oo u dhaqaaqi karta Krzysztof Piatek

Man United oo u dhaqaaqi karta Krzysztof Piatek

0

Himilo – Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqi karto weeraryahanka kooxda AC Milan Krzysztof Piatek.

Ciyaaryahanka qaranka Poland oo sidoo kale lala xiriiriyay Tottenham Hotspur ayaa dhaliyay shan gool 19 kulan oo uu u saftay kooxda reer Talyaani xilli cayaareedkan 2019-2020.

Man United ayaa wajaheysa xaalad adag kaddib dhaawaca Marcus Rashford oo ku qasbaya tababare Ole Gunnar Solskjaer in uu sameeyo dooq cusub oo weeraryahan ah.

Kooxda hanatay horyaalka Ingiriiska 20-ka jeer ayaa heysata illaa dhammaadka bishan Janaayo si ay u xoojiso safkeeda.  

Krzysztof Piatek ayaa u muuqda bartilmaameedka koowaad ee kooxda Man United sida la soo xigtay The Athletic. Wararka ayaa tilmaamaya in United dooneyso inay ciyaaryahanka kula soo wareegto heshiis ammaah ah.

Qandaraaska Piatek ee uu ku joogo kooxda AC Milan ayaa dhacaya xagaaga sannadka 2023-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version